Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay degaanka Buurdhuxule ee hoostaga Degmada Waajid ku gowraceen Nin oday ah oo d’adiisu gaareyso 70 sano jir, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay.
Odayga Alshabaab gowraceen ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Duban, isagoo ahaa Dhaqtar degaankaasi laga yaqaan. Guddoomiyaha Degaanka Buurdhuxul Aadan Huudow Axmed ayaa xaqiijiyay dilka Gowraca ah ee loo geystay odayga dhaqtarka ahaa. Wuxuuna intaas raaciyay in Alshabaab ay afduubteen Ninka Odayga ah oo ay kala baxeen Gurigiisa, kadibna ay qoorta ka Jareen, meydkiisana soo dhigeen bannaanka.
Dhowaan ayay ahayd markii Alshabaab nin oday ah oo da’ ah ay ku gowraceen degmada Xarardheere, waxayna falalkan ka mid yihiin arrimaha ay ku caan baxday Alshabaab.
Goobjooge.com