Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa shaaciyey in howlgal ka dhacay Degaanka War-ciise ee gobalka Sh/Dhexe ay kusoo qabteen Oday horjooge Alshabaab ah oo lacagaha u ururin jiray Alshabaab.
Horjoogahan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Jeelle Jarrasow, wuxuuna Al-Shabaab u qabilsanaa degaanada hoos taga magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle iyo degaanka Raage-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Nabadoon Maxamed Jeelle Jarasow oo lasoo bandhigay ayaa sheegay inuu Al-Shabaab la Shaqeynayay muddo 10 sano ah, una qaabilsanaa u aruurinta lacagaha Sakawaadka loo yaqanaan, wuxuuna sheegay inuu soo dhoweynayo dagaalka Alshabaab lagula jiro ee ka socda gobolka Sabeellaha Dhexe.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in intii ay howlgallada wadeen gacanta ku dhigeen Xubno badan oo la shaqeynayay Ururka Al-Shabaab, ayna sii socon doonaan ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo Gobolka Shabeellaha Dhexe.
