Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamada nabadsugidda ay qabteen oday dhaqameed ka tirsan Alshabaab oo hore uga mid ahaa kooxdii burburtay ee Xisbul islaam.
Ninkan oo lagu magacaabo Axmed Cali Gees ayaa la sheegay inay ciidamada nabadsugidda kala baxeen guri uu deganaa iyadoo la sheegay in baaritaan lagu hayo.
Wuxuu ahaa Oday dhaqameed sheegan jiray inuu ka mid yahay odayaasha dhaqanka Beesha Hawiye isagoo ka tirsan Alshabaab, wuxuuna kasoo dhex muuqda barnaamijkii Dilaaga Weriyaha isagoo u hanjabaya saxafiyiinta.
Axmed Cali Gees oo hore u shaaciyay inuu isaga baxay Alshabaab ayaan la ogeyn xaaladiisa oo shaki badan ay ka muujinayaan dadka degaanka iyo ciidamada ammaanka.
Goobjooge.com