Tuesday, July 15, 2025

Oday Nabadoon ah iyo Sarkaal si kala gooni ah Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Koox dabley ah ayaa caawa dil toogasho ay ka fulisay magaalada Muqdisho, iyadoo dilay oday Nabadoon ahaa.

Falkan ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Siligga, waxaana dilku dhacay xilli uu salaad Maqrib ka soo baxay Masjid ku yaala xaafadda. Odayga ayaa lagu magacaabi jiray Isloow Geedi.

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, lama oga sababta loo dilay nabadoonka iyo cidda ka danbeysay.

Dhinaca kale is rasaaseyn ka dhacday degmada Waaberi, Buundo labaad, ayaa isla caawa lagu lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabadsugidda.

Lama oga is rasaaseynta cidda ay dhex maray, waxaana dadka xaafadda ay sheegeen in lagu kala cararay goobta kadib markii rasaas ay is weydaarsadeen kooxo hubeysan kadibna la arkay ninkan la dilay.

Goobooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON