Maamulka Hirshabeelle ayaa sii daayay odayaal dhaqameed iyo nabadoono muddo ku dhowaad 3 toddobaad ku xirnaa saldhiga Booliska magaalada Jowhar.
Odayaasha ayaa la xiray kadib kadib markii ay ku guuleysan waayeen inay heshiis ka gaaraan colaad u dhaxeysa beelaha ay kasoo jeedaan oo dad badan isaga dilay degaano hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Sh/Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in sii deynta odayaasha ay timid kadib markii ay ogolaadeen in shirkii nabadeed ee ay u tageen Jowhar dib loo bilaabo, waxaana sii deyntooda ay timid xilli magaalada Jowhar ay ku jirto olole doorasho.
Amarka lagu xiray odayaasha waxaa bixiyay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, iyadoo laga cabsi qabay haddii shirka Jowhar lagu kala tago inuu dib u bilowdo dagaalkii labada beelood.