Odayaal iyo waxgarad ku shiray Muqdisho ayaa ka hadlay arrinta kiiska guriga la isku heyso ee ku yaala Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, gurigaas oo uu sheegaynayo Xaashi Bulxan oo darawal u ah Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid hore u ahaa darawalkii madaxweyne Siyaad Barre.
Odayaasha ayaa ka dalbaday in dowladda Federaalka inay gurigaasi ku wareejiyaan gabdhaha guriga sharci ahaanta u leh oo kala ah:
- Haweeya Xersi Faarax
- Duniya Maxamed Faarax
Guriga ayaa hadda waxaa ku sugan oo gacanta ku haya ciidamada nabad sugidda dowladda Federaalka oo hadda laga dalbanayo in lagu wareejiyo gabdhaha sharci ahaan u leh.
Shirkan ayaa culeys kale sii saaray kiiskan oo xaalkiisu weli sal dhigin. Waa markii ugu horeysay ee Telefishanka SBC uu soo bandigo dhinaca kale ee dacwada kiiska Gurigan.
HOOS KA DAAWO
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]