Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ee heshiiska la gaaray dowladda Soomaaliya ayaa ku soo jeeda magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Inta badan odayaasha Hiiraan ayaa ogolaaday inay ka qeyb galaan shirka Jowhar kadib heshiis madaxweyne Xasan Sheekh la galay odayaasha oo loogu balan qaaday in awoodda shirka lagu wareejin doono odayaasha.
Qabanqaabo ayaa ka socota magaalada Jowhar lagu soo dhoweynayo odayaashaasi, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu magaalada Jowhar u diray wasiirkiisa madaxtooyad Mahad Maxamed Salaad oo u qaabilsan shirka iyo fududueyntiisa, isagoo ah ninka haya lacagta lagu wadayo shirka.
Shirka Jowhar maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo furmay 12-kii Bishii Janaayo ee 2016 ayaa hakad ku jiray muddo ka badan laba bilood kadib khilaaf ka dhashay qaabka ay ergada odayaasha u qeybisay wasaaradda arrimaha gudaha.