Odayaasha Dhaqanka beelaha Hiiraan oo dhowaan qaadacay inay la kulmaan Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddo saddex maalmood ah ku sugan magaalada Beledweyne ayaa maanta saf u galay la kulanka wafdi uu hogaaminayay Ergeyga Gaarka ah ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo tegay Beledweyne.
Odayaasha oo uu horkacayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa kulan loo qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee degaanka Ceel Jaale oo ku yaala duleedka degmada beledweyne.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa kulanka kadib saxaafadda u sheegay in si wadajir ah ugu sheegeen saraakiishii ay la ee ka socotay Q/Midoobay in marka hore kulan dib-u-hishiisiin ah loo qabto bulshada ku nool Gobolka, kadibna laga hadlo sida maamul loogu dhisi lahaa, laakiin wax ka horeeya aanay jirin.
Ugaas Xasan ayaa sidoo kale sheegay inay in mowqifka iyo rabitaanka dadka Hiiraan ay hor dhigeen saraakiisha Q/Midoobay. Wuxuuna intaas ku daray in shirka dhex maray Duubabka dhaqanka Hiiraan iyo Wafdiga Qaramada Midoobay kusoo dhammaaday is-afgarad, ujeedkoodunaa ahaa oo kaliya ay ahayd in saraakiisha Q/Midoobay dhageystaan dareenka bulshada gobolka Hiiraan.
Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa u muuqda diyaar u yihiin qaabilaada iyo saf u gelidda saraakiisha ajnabiga ah si ay dareenkooda ugu sharxaan, balse aanay ogoleyn inay dowladii Soomaaliya oo wasiirkii arrimaha gudaha la joogo ay ula tagaan dareenkaasi oo la wadaagaan dhibaatada jirta, waxayna tani ka mid tahay sida Soomaalidu isugu dhiibtay shisheeya iyo Beesha caalamka.
Goobjooge.com