Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh ku amray inuusan ka bixin Cadaado inta laga xulayo Baarlamaanka, lagana dooranayo madaxweyne.
Isagoo la hadlayay ergada shirka ayuu sheegay in cid waliba ay shaqo leedahay oo ay tahay inay shaqadeeda ka soo baxdo, isaga uu diyaar u yahay in shirka hore loo dhaqaajiyo.
Mudane Odowaa oo dhowr jeer isaga daba laabtay magaalada Cadaado ayaa socdaalkiisu ku soo beegmay iyadoo uu hakad ku jiro kadib markii is afgaranwaa dhexe maray guddiga farsamada shirka iyo ergada oo ku saabsan qaabka shirku ku soconayo. Waxaana la filayaa inuu wasiirku gacan ka geysto xalinta arrintan.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay in Magaalada Dhuusamareeb ay joogi karaan oo kaliya Ciidamada Dowladda Soomaaliya, wuxuuna Garabka Ahlu sunna ee qabsaday Dhuusamareeb ugu yeeray inay ka baxaan Magaalada oo ay tagaan halkii lagu heshiiyay inaysan soo dhaafin.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]