Thursday, June 26, 2025

Cumar Faaruuq oo heshiis qarsoodi ah la gaaray Pakistan & Pakistan oo si farsameysan isu casilay

Maxamed Ibrahim Pakistan oo ahaa xoghayihii Ururka saxafiyiinta ee NUSOJ ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay.

Pakistan ayaa arrintan ka sheegay kadib kulan uu la qaatay guddiga xalinta khilaafaadka garabyada NUSOJ, wuxuuna sheegay inuusan dib danbe isu sharxeynin xilkaasi.

Lama oga sababta ka danbeysa arrintan, wuxuse sabab uga dhigay inuu daalay oo uu muddo badan soo shaqeeyay isla markaasina doonayno inuu nasto.

Guddiga ayaa soo dhoweeyay is casilaada xogahye Pakistan oo hore xilliga uga dhamaday, waxaana guddigu ugu baaqay inuu isna is casilo Cumar Faruuq Cusmaan oo garab ka mida NUSOJ hogaamiya.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in heshiis qarsoodi ah ay wada saxiixdeen Cumar Faaruuq iyo Pakistan oo ay ku doonayaan uga fakadaan doorasho cusub oo dhacda iyo dad aanay rabin oo ururka u gacangalo.

Labadan nin oo hore u wada shaqeysan jiray ayaa hada ku heshiiyay inay sii wada shaqeystaan soona afjaraan khilaafkoodii ka dhashay qeybsiga taakulada la siiyo sxafiyiinta Soomaaliyeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON