Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska ayaa ka joojiyay laacibka cusub ee Mancherster United Paul Pogba inuu safto ciyaarta ugu horeysa kooxdiisa ay la yeelan lahayd kooxda Bournemouth maalinta Axadda ah.
Sababta Pogba loo xayiray inuu ciyaartaasi safto ayaa lagu sheegay in koobka Italiya ee uu saftay laacibkan la siiyay laba calaamad oo jaalle ah.
Xiriirka Kubadda cagta ee FA ayaa soo saaray liiska ciyaaryahanada aan safan karin ciyaaraha Horyaalka Ingiriiska ee bilaabaya beri oo sabti ah.
Paul Pogba ayaa intii uu kooxda Juventus u ciyaarayay waxaa kaliya kaarka cas la siiyay hal mar oo ahayd 2013 ciyaartii kooxdiisa iyo kooxda kale ee Palermo, laakiin wuxuu laba jaale qaatay ciyaarihii ugu danbeeyay ee Coppa Italia, taana taas tan keentay in ganaaxaasi darteed loo seejiyo ciyaarta ugu horeysa ee horyaalka Imgiriiska.
Tababarraha kooxda Man United José Mourinho ayaa arrintan ogaaday laba maalmood ka hor. “Waxaan ogaa xaalada in calaamada jaallaha, laakin lama socon in isku darka calaamadaha ay keeni karaan in ciyaar ganaax ah” ayuu yiri Mourinho oo maanta ka hadlayay saxafiyiinta, wuxuuna intaasi raaciyay inuusan garanynin ganaax Italia ka dhacay sida uu uga soconayo Ingiriiska.
Ciyaaryahannada kale ee horyaalka Ingiriiska laga joojiyay inay ciyaaraan kulamada hore waxaa ka mida:
Laacibka Tottenham Mousa Dembélé, oo lix ciyaar la ganaaxay markii dagaalkii dhex maray weeraryahanka Chelsea ee Chelsea’s Diego Costa bishii May, welina waxaa u harsan shan ciyaar.
Ciyaaryahanka Leicester Citey ee Robert Huth ayaa isna saddex ciyaarood seegi doona, halka Chris Smalling oo Manchester United isna seegi doono ciyaarta hore ee kooxdiisa u safrdi doonta Bournemouth.
With the #PLkickoff this weekend, did you know four players are serving suspensions?
More: https://t.co/WdgvxQNcmZ pic.twitter.com/L9YIZ6P8HT
— The FA (@FA) August 12, 2016
Goobjooge.com