Safaarada Soomaaliya ee Kenya waxaa Booqasho iyo indha -indhayn ku tagay Mas’uuliyiin uu Hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasarada Qorsheynta Qaranka Soomaaliiya Cabdullahi sheekh Cali (Qaloocow) iyo Wasiiru dowlaha arimaha dibada Soomalaiya Khaalid Cumar Cali.
Wasiirada ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Danjire Somaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya Kenya Cali Maxamed sheekh Cali bagadi oo halkaas faah faahin ka siiyay xaalada safaarada iyo Qorshaha Xiligan lagu dhameestirayo safaarada Soomaaliya ee Kenya oo lagu wado in dhawaan shaqo laga bilaabo.
dadweyne halkaas ku sugnaa ayaa ku Tilmaamay dadaalka Wasiir ku xigeenka wasarada Qorsheynta iyo Qranka somaliya Cabdullahi sheekh Cali (Qaloocow) mid ku dayasho mudan, ayaga oo sheegay in aysan Jirin intii ay safaarada joogeen wasiir ama Mas’uul sidaan oo kale u soo Booqda.
shacabkii Joogay safaarada ee sugayay Pasaporka Soomaaliga ayuu mid mid u gacan qaaday Wasiirka, waxa uuna kala sheekaystay xaalada iyo sida ay u socoto shaqada safaarada, waxa kale oo uu mid mid u gacan qaaday Shaqalaha Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo uu ku amaanay dadaalka ay wadaan.
” Waxaan Oran karaa safaarada Soomaaliya ee Kenya Danjire Jamaal iyo Qunsul Cali Bagadi wax Fiican ayay ka wadaan safaarada, waxaana Howshu ay tahay mid ka Duwan sidii horay loogu yaqaanay”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasrada Qorsheynta iyo qaranka somaliya Cabdullahi Sheekh Cali (Qaloocow).
Cabdullahi sheekh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in Howsha safaarada ay soomaaliya ay tahay mid dardar leh tan iyo intii uu meesha soo gaaray Danjire Jammaal oo aqoon Fiican u leh dhinaca Dibulumaasiyada ah.
Sidoo kale Danjire Jamaal ayaa ku amaanay Cabdullahi sheekh Cali (Qaloocow). iyo Wasiiru dowlaha arimaha dibada Somliya Khalid Cumar Cali sida ay ugu dhiiradeen in ay dardar galiyaan Howlaha safaarada iyo dhiiri galinta ay dhiiri galinayaan Howsha iyo shaqaalaha safaarada.
” Waxaan oran karaa dadaalka iyo Booqashada maanta uu Noogu Yimid safaarada wasiirada waa mid ka Duwan sidii horay loogu yaqaanay wasiirada, waxaana dhawaan shaqo ka bilaabi Doona Safaaradii Somaliya oo Dib u dhis balaaran Rabta”ayuu mar kale Yiri Safiir Jammaal oo saxaafada Halkaas kula hadlay.
isku soo Duuboo Danjire jamaal iyo Qunsul Cali Bagadi ayaa safaarada ku wado Dayactir balaaran waxaana arkaysaa marka aad tagto safaarada ayaga oo qalabyo kala Duwan keenay iyo shaqaale aqoon u leh adeega ay Bulshada Rabaan, waxaana arkaysaa Marka aad safaarada Gasho in in dhahaagu ay Qabanayaan Qalab Cusub oo yaala safaarada.
Cabdixakiin Cilmi Xasan