Sunday, June 29, 2025

Prof. Jawaari: “Mooshinka waan keenayaa, idinkoo buuqeysaan ayaana codka qaadayaa”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheek Cusmaan ayaa si cad u sheegay inuu mooshinka looga soo horjeedo Ra’iisal wasaaraha uu mar kale hor keeni doono Baarlamaanka isla markaana cod loo qaadi doono xaalad kasta oo ka jirta gudaha Baarlamaanka.

Prof. Jawaari ayaa warkan u sheegay guddi ka mida xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka ee taageersan Ra’iisal wasaaraha, xilli ay kulan la yeesheen Madaxweynaha. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku adkeystay inuu cod u qaadi doono mooshinka xitaa haddii ay socoto qeylo iyo buuq ay sameynayaan xildhibaanadaasi.

“Mooshinka waan keenayaa, idinkoo buuqeysaan ayaana codka qaadayaa” ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka oo cadeeyay inaan mooshinkaasi la sii heyn karin, wax kastoo ay ku qaadatana uu meel marin doono. Warkan ayaa imaanaya iyadoo uu Guddoomiyaha Baarlamanka hore u sheegay inuu joojiyay mooshinka ilaa xal loo helayo nidaam darrada ka dhex jirta Baarlamaanka.

Goobjooge.com
Muqdisho

 

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON