Sunday, July 13, 2025

Prof. Jawaari oo noqday ku-sime Madaxweyne & Mooshinkii Madaxweynaha oo hakad galay

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta halkaasi oo la sheegay inuu socdaal rasmi ah ku tegayo isagoo la kulmi doona UAE Sheekh Maxamed Bin Shahid Al-nahyaan oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka qotoda dheeer ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

safarmadaxweyne

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale. Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Daa’uud Aweys oo Warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha uu casuumaad ka helay hogaamiyaha Dalka isutaga imaaraadka oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka midtahay xaaladda dalka.

“Madaxweyaha Jamhuuriyadda waxa uu ku wajahanyahay, waxa uu marti qaad rasmi ah ka helay hogaamiyaha dalkaasi Sheekh Maxamed bin Sahid Al-nahyaan oo aad ogtihiin in xiriir wanaagsan oo qoto dheer ay ka wada dhexeeyaan labada dal, Imaaraadka waxa uu ka qeyb qaataa dib u dhiska Soomaaliya” ayuu yiri Afhayeenka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo hadda noqday  kusime madaxweyne ayaa ka fariisan doono dhowr maalmood howshii Baarlamaanka iyo Mooshinkii madaxweynaha  ee culeyska badani uu ka saarnaa, waxayna arrintan yareyn doontaa muhiimadii mooshinka oo taageerayaasha madaxweynaha ay bilaabeen olole ay ku doonayaan inay ku kala daadiyaan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON