Sunday, June 22, 2025

Puntland oo ka digtay wax ka bedelka Dastuurka, Baaqna u dirtay Baalamanka Federaalka

Maamul Goboleedka Puntland aya ka digay in madaxda doladda Federaalka ay wax ka bedel ku sameeyaan Dastuurka Soomaaliya, waxayna baaq u direen xildhibananada Baarlamaanka Federalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland kadib shir ay yeesheen Golaha xukuumadda maamulkaasi ayaa lagu sheegay in Puntland ay si cad uga soo horjeedo wax ka badelka Dastuurka Federaalka, iyada oo dano siyaasadeed laga leeyahay.

“Sida ku cad Dastuurka KMG ah Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad, farqaddiisa 3aad “Mabaadiida Aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin Mabaadiida Aasaasiga ah ee Awood qaybsiga nadaamka Federaalka ah”, Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah”. ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland

Ad

Dowladda Puntland waxay ugu baaqday labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inaysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah. “Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON