Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay soo baxayeen warar ku saabsan qorshe Alshabaab damacsan tahay mar kale inay weeraro ku qaado degaanada Puntland ayaa sarakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen inay ka war hayaan qorshahaasi.
Taliye Ku-xigeenka Booliska maamulka Puntland C/qaadir Shire Faarax oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in Puntland ay ka feejigan tahay weeraro cusub oo Al-shabaab ku soo qaadaan Puntland. Wuxuuna sheegay in ciidamada maamulka Puntland ay heegan ugu jiraan sidii ururka Al-shabaab ay uga difaaci la haayeen deegaanadooda.
Dhaqdhaqaaq xoog leh ayaa laga dareemay kooxda Al-shabaab oo is urursi ka bilaabay degmada Xarardheere iyo degaano hoos yimaada iyagoo laga cabsi qabo qorshahaAlshabaab inuu ku wajahan yahay weeraro kale oo ku socda Putnland.
Maraakiib dagaal oo la sheegay inay yihiin kuwa NATO ayaa iyagana lagu arkay xeebaha Garacad ee Gobolka Mudug, waxaana arrimahan oo dhami ay keeneen in heegan la geliyo ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka Mudug.
Goobjooge.com