Saraakiisha ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxaha Alshabaab ee aagga Suuj ayaa sheegay inay nolol ku qabteen afar maleeshiyo oo ka mida kooxda Alshabaab oo dagaal ku dhex maray halkaasi.
Wararka laga helayo togga Suuj ee Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in ciidamada Puntland afar ka mid ah 8-maleeshiyo iskood uga baxay togga Suuj oo doonayay inay is dhiibaan, afarta jale ayaa lagu Ceelka Dowlis galbeedka ka xiga Suuj.
Afarta xubnood ee dagaalamayaasha ka mid ayaa la sheegay in wareysi lagala yeeshay xaaladda Togga Suuj iyo maleeshiyada ku jirta ee dagaalka kala dhaxeeyo Ciidamada Puntland.
Ciidamada Puntland oo maalintii 4-aad dul hoganaya Togga Suuj ayaa rajo ka qaba inay weerar toos ah ku galaan gudaha godka inkastoo halista weerarkaasi uu dib u dhici karo.
Goobjooge.com