Sunday, July 13, 2025

Puntland oo xirtay Xafiisyo ay Degaanadeeda ka furteen Laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Somalia

Maamulka  Puntland ayaa Albaabada isugu dhuftay labo xafiis oo ay degaanada ay kasoo jeedaan ka furteen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo si weyn ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Amar qoraal ah oo ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Puntland ayaa lagu caddeeyay inay sharci darro yihiin xafiisyada laga furay magaalooyinka Dhahar iyo Goldogob, oo ay leeyihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhammaanayo.

Xaafiisyadda ay amartay in la xiro Puntland ayaa waxaa dhowaan furtay Wasiiradda Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirka Shaqadda Shaqaallaha Xukuumadda Soomaaliya Sadiiq Warfaa, wuxuuna wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland amar ku bixiyey in degdeg albaabada la isugu dhufto xafiisyadaasi.

Wuxuu kaloo wasiisku sheegay inuusan jirin wax la-tashi ah oo maamulka Puntland lagala sameeyay furitaanka xafiisyadaasi, isla markaana aan xafiisyo siyaasadeed laga furi karin gudaha degaanad Puntland.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON