Monday, June 23, 2025

Q/Midoobay oo ka digay in ilaa 3 Milyan Qof ay Afrika uga dhiman doonaan Coronavirus haddii aan..

Q/Midoobay ayaa ka digtay in Afrika ay cudurka Coronavirus ugu dhiman doonaan dad gaaraya 300,000 ilaa 3,300,000 qof hadda aan tallaabo degdeg ah la qaadin.

Guddiga Q/Midoobay ee dhaqaalaha Afrika (UN Economic Commission for Africa -UNECA) ayaa warbixin soo saaray ku sheegay haddii aan la dhaqan gelin tallaabooyinka looga hortegayo cudurka Coronavirus inuu faraha ka bixi doono dunida oo dhan ayna qaadi doonaan 1.2 Bilyan oo qof, laakiin uu hoos ugu dhici karo 122 Milyan haddii si fiican loo maareeyo.

Warbixinta Guddiga ayaa lagu dhisay baaritaan iyo tirakoob ay sameysay Jaamacadda London ee Imperial College, waxaana baarayaal kale oo caalami ah ay soo saareen in 16 Milyan oo Afrikaan ah ay qaadi doonaan cudurka Coronavirus ilaa dhammaadka Bisha June.

Ad

Saadaasha Baarayaashan ayaa sheegeysa in ilaa 20,000 qof oo afrikaan ah ay u geeriyoon doonaan COVID-19 tobanka isbuuc ee soo socota. Waxay ku xiran tahay sida Afrika uga jawaabto cudurka oo yareyn karta ama kordhin karta kiisaska iyo geerida.

Waxay ku doodeen in dadka qaba cudurka ee dallaka Afrika ay gaari doonaan 2.7 Milyan dhammaadka June 2020 ama 98.4 Milyan oo qof, taasoo ku xiran, sida Afrika uga jawaabto cudurka iyo ka hortaggiisa, ayan keeni doonto geerida 3,500 ilaa 126,000 hadba sida sida jawaabta Afrika noqoto.

Maanta ayey ahayd markii Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay caddeysay in halka xigta ee cudurka Corona ka qarxi doono uu yahay Afrika, haddii aan laga hortegin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON