Saturday, July 19, 2025

Q/Midoobay oo War kasoo saartay Wadahadal dhex mara Madaxweyne Farmaajo & Madaxweynaha Puntland

Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray wadahadal dhex mara Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland.

Qoraal kooban oo kasoo baxay UNSOM ayaa lagu bogaadiyey socdaalka uu shaaciyey Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni inuu ku tegayo magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale lagu amaanay wafdiga ay dowladda federalka u dirtay shirkii wadatashiga Puntland oo soo dhoweeyay tallaabadan.

“Waxaan ka war sugeynaa kulanka dhex mari doona Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farmaajo si loo guda galo wadahadalka ku saabsan danaha Qaranka..” ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM oo aan lagusoo qaadin qodobadii kale ee kasoo baxay shirkii wada-tashiga ee Puntland.

Warkan ayaa imaanaya iyadoo Wasiiro ka tirsan Puntland ay maanta sheegeen in socdaalka Madaxweynaha Puntland ee Muqdisho aanu ahayn mid shaqo iyo wadahadal ee kaliya uu yahay u gogol-xaarka shirka ay marti gelineyso Puntland ee madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON