Iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya loo soo gacan geliyay Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo ah hogaamiye kooxeed hore oo dowladda Soomaaliya ka baxsatay markii lagu soo eedeeyay falal amaan darro iyo shirqoolo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa faahfaahin kasoo baxeysaa qaabkii magaalada Nairobi looga qabtay.
Wargeyska The Star ee magaalada Nairobi kasoo baxa ayaa qoray in dowladda Soomaaliya ay Kenya ku wargelisay in Cabdi Waal loo heysto denbiyo oo ay ka mid yihiin inuu ahaa xiriiriye Alshabaab iyo Ereteriya, taasoo keentay in ciidamada sirdoonka Kenya ay soo xiraan kadibna u soo dhoofiyaan magaalada Muqdisho oo u soo gacan geliyaan dowladda federaalka.
Ciidamada Sirdoonka Kenya ayaa kala baxday Cabdi Waal hotel uu ka deganaa Nairobi kadibna 24 saacadood kadib diyaarad gaar ah u soo saaray magaalada Muqdisho isagoo katiinadeysan.
Cabdi Waal ayaa noqonaya qofkii labaad ee dowladda Kenya ay qabato una soo gacan geliso dowladda Soomaaliya, iyadoo hore ciidanka Kenya u soo masaafuriyeen U-qeybsanihii Al-shabaab ee dilalka Suxufiyiinta Xasan Xanafi Xaaji C/salaam, kaasoo dhowaan y Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciiddanka Qalabka sida ay ku xukuntay
dil toogasho ah.
Goobjooge.com