Thursday, July 3, 2025

AKHRISO: Qaar ka mida Magacyada Wasiirada Maamulka Jubba ee la magacaabayo

Waxaa magaalada Kismaayo la isla dhex maraya magacaabidda Golaha wasiirada maamulka Jubba oo muddo 8 bilood ah laga sugayay Axmed Madoobe iyadoo lagu wado in saacadaha soo socda la shaaciyo xubnaha Golaha wasiirada.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu soo gabagabeeyay magacaabidda xubnaha cusub Golihiisa wasiirada iyadoo ay noqon doonaan wasiiro ku dhow 30, oo lagu qancinayo beelaha kala duwan, waxaana soo baxaya magacyada qaar ka mida wasiirada ka mid noqon doona golaha la magacabaayo.

MAGACYADA WASIIRADA CUSUB EE  LA MAGACAABI DOONO:

Axmed C/risaaq Maxamed (Axmed Handal) Wasiir cusub  -Beesha Mareerteen-

Cabdi Cali Raage, Wasiir cusub -Beesha Ogaadeen –

Aadan Inshaar, Wasiir cusub – Beesha Kuumade –

Sheekh Maxamed Aw-libaax, Wasiir cusub -Beesha Mareexaan –

Maxamuud Sayid Aadan, Wasiir cusub – Beesha Mareexaan –

Cusmaan Xuseen Fayruus, Wasiir cusub – Beesha  Jareer –

WASIIRADA SOO LAABANAYA

Gen. Maxamed Warsame Darwiish, – Beesha Mareerteen-

Maxamed Ibraahim Maxamed, -Ogadeen-

Ibraahim Cabdi Xassan, Wasiir  – Beesha Dir, Biyo Maal-

C/Nuur Cali Aadan, Wasiir,   – Beesha Gaaljacel-

Maxamed Sheekh Yusuf, Wasiir    -Beesha Cowrmale-

Wasiirada qaarkood ayaa la sheegay in Axmed Madoobe la-tashigii ugu danbeeyay la leeyahay beelahooda, si loo dhameystiro, iyadoo lagu wado in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON