Qaar ka mida Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa maanta dhisay ‘Golaha Samata bixinta Qaranka’, oo ay sheegeen inuu yahay Gole badbaadinaya haddii dalku meel halis ah ku dhaco, kadib marka ay dhammaato xilliga dowladda hadda jirta.
Waxay kaloo Odayaashani ku dhawaaqeen in la bilaabay dhismaha maamul Goboleed uu yeesho Gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya-murtiyeed kasoo baxay shir ka dhacay Maanta caasimadda ayaa lagu sheegay in lagu ansixiyey Dastuurka Maamul Goboleedka ‘Banaadir State’ iyadoo lagu dhisay Guddiya Farsamda ee Diyaarinta maamulkaasi cusub iyo Guddiga Marjaca.
Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ee shirkan kasoo muuqday ayaa waxaa ka mida ahaa xubno si weyn uga horjeeda madaxda dowladda Federaalka oo taageersan musharixiinta, waxayna Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku eedeeyeen inay falal tacadiyo ah ka geysatay Baydhaba, Mudug, Beledxaawo, Beledweyne, weliba ay.kusii socota.
Wuxuu Golaha ka digay dowladda Federaalka inay iska dhega tirto baaqyada loo jeedinayo, ayna qaadi doonto wixii ka yimaada baalmarista Dastuurka lagu soo dhisay; wuxuu kaloo ciidamada dowladda uga digay inay lumiyaan kalsoonida shacabka, loona isticmaalin dano siyaasadeed oo gaara.
Golaha waxay cambaareeyeen ciidamada loo sheegay in lagu tabbarrayo dalalka Turkiga iyo Qatar, kadibna si qarsoodi ah loogu diray dalka Eritrea, dowladuna aysan wax jawaab ah siin waalidiintooda.
Waxay kaloo camabaareeyeen go’aannada qar iska tuurnimada ee madaxweyne Farmaajo kula dhaqmay Jabuuti, waxayna dalka Jabuuti iyo madaxweynaha dalkaasi ka raali geliyeen haddalada kasoo yeeray madaxda dowladda.
