Monday, August 4, 2025

Qaar ka mida xildhibaanada cusubee Maamulka Galmudug Cadaado ka baxsaday

Xildhibaanada cusub ee maamulka Galmudug oo dhowaan doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa qaarkood ka baxsadeen magaalada Cadaado kadib markii xaalad adag ka soo food saartay musharaxiintii u tartamay jagada madaxweynaha.

dhaarin

In ku dhow xildhibaan ayaa la sheegay inay u baxsadeen magaalada Muqdisho iyo degaano kale kadib markii lagu qabsaday inay dib u celiyaan lacagtii looga iibsaday codkooda markii ay u codeyn waayeen musharixiinta ay la heshiiyeen.

Xildhibaano kale ayaa la sheegay in musharixiin ka joojiyeen inay ka duulaan garoonka, halka qaar kale si awood ah looga ceshaday lacagtii ay qaateen. Waxayna arrintan khalkhal ku abuurtay golaha Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug ayaa magacaabay guddiyadii ugu horeeyay ee maamulkiisa oo qaabilsan arrimaha ammaanka iyo caleemo saarka madaxweynaha oo lagu wado in magaalada Cadaado ay ka dhacdo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON