Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee saxiixay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal ay soo saareen ku eedeeyay Gudoomiyaha Baalamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) lix qodob, waxayna ku cambaareeyeen hab-dhaqanka guddoomiye Jawaari.
HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA
WAR-SAXAAFADEED
Xildhibaanada Mooshinka Xil-ka-qaadista Madaxweynaha ayaa waxay maanta oo taarikhdu tahay 11.10.2015 soo saareen
War-Saxaafadeedkan hoos ku xusan oo la xiriirta “Shirkii La Sheegay in Shalay uu Dhexmaray Xildhibaanada Mooshinka Xil-kaqaadista ka keenay Madaxweynaha iyo Madaxweynaha JFS”:
- Xildhibaanada Mooshinka Xil-ka-qaadista Madaxweynaha waxay maalintii 06.10.2015 soo saareen War-Saxaafadeed ay ku cadeeyeen mowqifkooda ahaa in aysan wadahadalka ka qaybgalayn, iyagoo ku sababeeyay in Guddoomiyuhu ku tuntay Dastuurka iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ka dib markii uu sheegay in uu Mooshinka soo afjaray isagoo isa siiyey awoowee Garsoorka iyo in uusan dhex-dhexaad ka ahayn arrinka mooshinka. Sidoo kale, waxaan maantana Ummadda Soomaaliyeed ku wargelineynaa in Mooshinkii taaganyahay moowqifkeeniina uu weli sidisii yahay oo aan wax iska bedelay jirin.
- Xildhibaanadu waxay laba qoraal u gudbiyeen Guddoomiyaha Barlamaanka maalmiyihii 25.09.2015 iyo 01.10.2015 oo mid waliba ay ugu sheegeen: a. In Guddoomiyuhu awood sharci uusan u lahayn in uu ku dhawaaqo soo afjaridda mooshinka; b. in uu fasiraad ka baxsho waxa uu ulajeeday “soo afjaridda mooshinka”; c. In Xildhibaanadu aanay ka qayb galaynin wadahadalka haddii mofqifka Guddoomiyuhu yahay in mooshinku soo afjarmay; iyo d. In uu Guddoomiyuhu u gudbiyo mooshinka Maxkamadda awooda u leh oo ah dariiqa saxa ah ee mooshinka.
- Xildhibaanadu waxay u arkaan in Guddoomiyuhu si ula kac ah u banaystay in uu sharciga iyo anshax-wanaaga Barlamaanka ku tumanayo. Wuxuu Guddoomiyuhu culays iyo cadaadis siyaasadeed saaray 8 Xildhibaan oo qaarkood horay mowqifkooda ugu tilmaameen in ay iskaga baxeen taageeradii ay u hayeen mooshinka. Xildhibaanadaas ayuu damcay shalay in uu yiraahdo waxay matalaan Xildhibaanada Mooshinka Xil-Kaqaadista Madaxweeynaha.
- Xildhibaanadu waxay lumiyeen kalsoonidii ay u hayeen Guddoomiyaha mar haddii uu ku sifoobay “Musuq-maasuq”, waxayna Ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigi doonaan heerka uu kaga jiro “BOOBKA HANTIDA QARAN”. Xildhibaanadu waxay u arkaan in Guddoomiyuhu uu mooshinka u isticmaalayo dano guracan oo Musuq-maasuq salka ku haya asigoo ka dhigtay mooshinka “Mashruuc” uu ku “Musuq-maasuqeeyo”.
- Xildhibaanadu waxay aaminsanyihiin in talaabadan “Musuq-maasuqa” ah aysan u danaynaynin hab-u-socodka mooshinka iyo in laga gaaro xal sharciga waafaqsan. Waxayna Ummadda Soomiyeed arkaan wax lagu tilmaami karo “QAADE iyo QARIYE” in masuuliyiintoodi Sare ay ku sifoobeen iyo sharciga oo ay iskala weeynaadeen.
- Isku dayga iyo marin-habaabinta Guddoomiyaha uu ugu jiro hagardaameeynta mooshinka sharciga ah waan cambaaraynaynaa, waxaanan ka digaynaa cawaaqib xumada ay u leedahay tayada iyo sumcadda Barlamaanka. Waxaanan Ummadda Soomaaliyeed la wadaagaynaa in anshax xumaddani ay ku kali tahay Guddoomiyaha ee aysan jirin cid la wadaagta. Sidoo kale, waxaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba ka codsanaynaa in ay nala cambaareeyaan falkan Musuq-maasuqa ah ee Guddoomiyuhu ku kacayo una tilmaamaan in uusan sidaas ku matali karin Shacabka Soomaaliyeed.
- Ugu dambaystii, waxaan jecelnahay in aan xusuusino Guddoomiyaha Barlamaanka in loo doortay Barlamaan ay leeyihiin shacab iyo dal madax bannaan, oo uu u dhaaratay si danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto u gudan doono xilkiisa. Guddoomiyuhu uma dhaaran in uu eex u galo Madaxweyne eedeeysan iyo koox ka tirsan Beesha Caalamka oo ku dawakhsan sidii Soomaaliya ay u sii ahaan lahayd Mashruuc iyo in uusan dalkeenu marnaba soo kabsan. Waxaan u sheegaynaa Shacabka Soomaaliyeed in ay la socdaan ku tumashada Sharciga ee Guddoomiyaha Barlamaanka iyo in ku fashilmay gudashada waajibaadkiisii qaran ee uu ummadda u hayey.
AKHRI QORAALKA OO RASMI AH
[pdf-embedder url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2015/10/Warsaxaafadeed.pdf”]
Goobjooge.com