Iyadoo ay sii socoto loolanka loogu jiro cidda loo magacaabayo ra;iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaa dib u dhac soo wajahay mid ka mida musharixiinta jagadan ugu cadcad oo ah wasiirka Maaliyadda ee xilka sii haya Xuseen Cabdi Xalane oo taageero weyn ka heysta saaixibada madaxweynaha, kaasoo si weyn loogu saadaalinayo in loo magacaabo jagadan.
Qaar ka mida xildhibaanada taageeraya madaxweynaha ee riday xukuumadii C/weli Sheekh Axmed ayaa kulan ay ku yeesheen Khamiistii Muqdisho uga dooday qofka noqonaya ee loo magacaabi doono Ra’iisal wasaaraha. Xildhibaanadan ayaa waxaa shirkooda kala qeyb galayay wakiil ka socday madaxweynaha, waxayna qaar badan oo ka mida ka hor yimaadeen in Xuseen Cabdi Xalane loo magacaabo jagadan.

Xildhibaanada diiday musharaxnimada kuna hanjabay inay ka hor imaan doonaan Mudane Xalane haddii xilkaas loo magacaabo ayaa u badnaa xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso maamulka Jubba ee Axmed Madoobe iyo beeshiisa, waxaana shirkaasi kasoo baxay natiijo la yaab leh oo ah sida xildhibaanadii taageeray madaxweynaha ay uga horjeedaan mid ka mida musharixiinta ugu cadcad in loo magacaabo jagadani.
Dhinaca kale madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa isaguna taageeraya in xilkan loo magacaabo Cumar C/rashiid safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, isagoo culeys ku saaraya madaxweynaha inuu shaqsigan u magacaabo jagada Ra’iisal wasaaraha,
Wasiir Faarax Sheekh C.qaadir ayaa isna magaalada Nairobi kulamo kula yeeshay beesha caalamka isagoo u bandhigaya musharixiinta kooxdiisa u dooneyso inay jagada ra’iisal wasaaraha u magacaabaan isagoo talooyinkooda ka soo ururiyay, si ay taageero uga helaan, waxaa hore looga cabsi qabay in beesha caalamka ay taageerada ka joojiso dowladda Soomaaliyeed.
Goobjooge,com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]