Qabanqaabo aas qaran loogu sameynayo madaxweyne ku xigeenkii dowladii Milateriga ahayd ee Soomaaliya ayaa maanta ka socota magaalada Muqdisho.
Meydka Marxuumka oo ku geeriyooday dalka Mareykanka ayaa saaka laga soo dejinayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo lagu aasi doono.
Guddi ay dowladda Soomaaliya u saartay aaska Marxuun Gen Maxamed Cali Samatar ayaa ku howlan arrintan iyadoo ay diyaar garow weyn laga dareemayo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Kusimaha Madaxweynaha Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhowaan sheegay in muddo saddex maalmood ah loo murugoonayo geeriga Jen. Samatar, isla markaana hoos loo dhigay Calanka Jamhuuriyadda.
Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa qabanqaabada aaska qaran iyadoo la xiray Wadooyinka qaarkood.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in naxashka Meydka Jen. Samatar laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo lagu aasi doono xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Goobjooge.com