Waxaa caawa garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho kasoo degtay Diyaarad nooca xamuulka ah oo Shirkada Ethiopian Airlines leedahay taasoo sida deeq qalab caafimaad ah oo ka timid Shiinaha.
Qalabka caafimaad ee diyaaradda sido ayaa waxaa ku deeqay Ganacsadaha caanka ah ee Shiinaha ninka la yiraahdo Jack Ma iyo shirkadiisa Alibaba, waxayna qeyb ka tahay deeq balaaran oo loo qeybinayo dhammaan dalalka Afrika markii laga dejiyey magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.
Waxaa qalabkan ka mida Qalabka baaritanka cudurka COVID-19, Dharka dhaqaatiirta xirtaan, Maasgaraha la xirto iyo qalab kale oo muhiim u ah la tacaalidda iyo baaritaanka cudurkan. Soomaaliya ayaa aad ugu baahneyd qalabka lagu baaro cudurkan oo aysan heysan, waxayna hada heshay 20,000 xirmo.
Saaka waxaa qalabkan deeqda ah la gaarsiyey South Africa, Burundi, Rwanda, Togo, Zambia, Zimbabwe, Kenya, Nigeria iyo South Sudan.
