Sunday, July 6, 2025

Qalalaase ka dhacay Goob lagu tukanayey Salaadii Ciidul Fitriga ee magaalada Addis Ababa

Wararka laga helayo caasimadda Itoobiya ee Addis ababa ayaa sheegaya in rasaas iyo qalalaase ay ka dhaceen Goob fagaare weyn ah oo ay ku tukanayeen Muslimiin kumanaan ah.

Rasaasta ayaa la sheegay inay ridayeen ciidamada Amniga oo laghu eedeeyay inay beegsadee Dadkii Bannaanka Barxadda Meskle ku dukanayey, Haljk Booliska sheegay inay qas abaabulayeen qaar ka mida dadkii isugu soo baxay Goobta tukashada salaadda Ciidul fitriga.

Ciidamada ayaa kala kaxeeyay dadkii isu soo baxay, waxayna adeegsadeen Gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo rasaas kor loo ridayo, iyadoo goobtaasi ay dadkii ka baxsadeen.

Wararka ayaa sheegaya in qalalaasaha dhacay ay ku dhaawacmeen dhowr qof. Waxaa la arkayey dadkii tukanayey oo dhagxaan ku tuuraya ciidamada iyo rasaas dhaceysa.

Muuqaalka Hoos ka Daawo

Image
Image
Image

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON