Tuesday, June 24, 2025

Qarax Bam oo lagu weeraray ciidamo ku sugnaa degmada Afgooye

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac  ayaa goor dhaw ka dhacay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa  Bam Gacmeed  lagu tuuray ciidamo ka tirsan milateriga dowladda Soomaaliya oo  ku sugnaa Suuqa Xoolaha ee Degmada Afgooye, kana qaadayay  Lacag Canshuur ah xilligaasi.

Qasaaraha ka dhashay weerarkaasi ayaa gaaraya saddex qof oo ku dhintay iyo afar kale oo dhaawac kasoo gaaray, iyadoo xaalada suuqa ay noqotay mid lagu kala cararay.

Laba kamida dadka dhintay ayaa ahaa ciidamadii Qaraxa lala beegsadya, halka qofka kale lagu sheegay shacab. Waxaa kaloo la soo weriyay in xoolo suuqa ku sugnaa waxyeelo ba’an kasoo gaartay .

Ma jirto cid loo qabtay weerarka, waxaana goobta buuxiyay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Afgooye.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON