Thursday, June 26, 2025

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Xarunta G/Banaadir & Gudoomiye Yariisow oo ku dhaawacmay.

Qarax Is-miidaamin ahaa ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, degmada Xamarweyne, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo gudaha u galay xarunta, waxaana wararku sheegayaan inuu dhaawac soo gaaray Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxman Cumar Cismaan Yariisow, waxayna dad arkay sheegeen in dhaawaciisa uu yahay mid culus, iyadoo loola cararray isbitalka Digfeer.

Lama oga sida Qofka isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa uu ku galay gudaha xarunta G/Banaadir oo uu isku qarxiyay qarxiyay, waxaana jira qasaare kala duwan, dadka dhintay waxaa ka mida masuuliyiin ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir iyo xubno kale.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA.,,

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON