Friday, June 27, 2025

Qarax ka dhacay Gaalkacyo & Mas’uul ka tirsan Puntland oo ku dhaawacmay..

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, qeybta Puntland ayaa sheegaya inuu Qarax lala beegsaday mas’uul ka tirsan wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland.

Qaraxa oo ahaa miinooyinka gawaarida lagu xiro ayaa haleelay Gaariga Mas’uulkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdi-Gub,e waxaana dad goobjoogayaal ah ay sheegeen inuu dhaawac culus uu kasoo gaaray qaraxa, lana dhigay isbitaalka waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dhaawaca Mas’uulka ka tirsan waaxda canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa la sheegay inuu yahay mid culus oo sababay inuu ku waayo mid ka mida lugihisa, mana jiro War rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland ee Gobolka Mudug.

Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka ay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ka dhacaan, waxaana inta badan sheegta Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON