Qarax ayaa ka dhacay sgoyska KM 4, gaar ahaan wadadda tagta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ay fasiirin ku leeyihiin ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxayna wararkii ugu horeeyay sheegayaan in qaraxa uu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo isku qarxiyey Gaari uu watay qof ku socday Garoonka Muqdisho.
Ciidamada Amniga ayaa. xiray wadadda, waxaana socda gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa. Waxaa tirada dhimashada hordhaca lagu sheegya 3 qof, halka dhaawacu intaas ka badan yahay.
Qaaxa ayaa imaanaya iyadoo maanta lagu wado inay bilaabato khudbad jeedinta musharixiinta u tagaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
