Qarax xoog leh ayaa galabta goor dhoweyd lala beegsaday Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho, iyadoo rasaas xoog leh iyo qaraxyo kale ay dhaceen qaraxa weyn ee is-miidaaminta ahaa kadib.
Weriye ku sugan goobta ayaa soo sheegay in rag dagaalamayaal ah ay galeen hotelka, waxaana la arkayay ciidamada gaarka ah ee Nabadsugidda oo ku sii socda hotelka.
Xaaladda ayaa cakiran waxaan goobta ku sii qulqulaya gaadiidka gurmadka, waxaan goor dhoweyd dhacay qarax kale oo lagu wado inay fuliyeen maleeshiyada galay.
Dableyda gudaha u galay Hotelka ayaa wada iska caabin, waxaana hadda arrinta soo dhex galay ciidmada gaarka ah ee Nabadsugidda. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana la xiray dhammaan wadooyinka gala hotelka la beegsaday.
Goobjooge.com