Qarax xoog leh ayaa lala beegsaday mid ka mida hoteelada magaalada Muqdisho oo ku dhow xeydaabka Madaxtooyada Soomaaliya.
Faafhaahinta laga helayo qaraxa ayaa sheegeysa in lala beegsaday hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho, kaasoo ka mida hoteelada ay degan yihiin siyaasiyiinta iyo qurbejoogta.
Qaraxa oo ahaa mid aad u weyn ayaa la sheegay in kadib ay rasaas ka bilaabtay hotelka, iyadoo la filayo inay gudaha u galeen dabley ka tirsan Alshabaab.
Xaaladda ayaa cakiran, iyadoo ciidamo fara badan ay goobta xireen, waxaana socda gurmadka dadka dhaawaca ah loo fidinayo. Waxaa laga cabsi qabaa in weerarku ahaa mid mattaane ah.
LA SOCO FAAFHAAHINTA…