Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay Golaha wasiirada shir degdeg ah oo ay ka yeesheen qaraxyadii ka dhacay hotelka Centrale ee magaalada Muqdsisho ayaa laga sameeyay guddiyo arrintaasi soo baara.
Guddiga waxaa ugu muhiimsan guddiga ammaanka oo uu madax u yahay wasiirka amniga, ayna ka mid yihiin wasiirada arrimaha gudaha, Gaashaandhigga iyo Caafimaadka, waxaana guddigan loo xilsaaray inay ka war keenaan arrinta dhacdooyinka fashilka ammaanka ee ka dhacay hotelka.
Baaritaanka qaraxyadii la qorsheeyay ee hotelka Centrale oo dad badan ku dhinteen ayaa meel dhexe maraya iyadoo la qabtay 12 qof oo ka mida maamulayaasha iyo ilaaladii hotelkaasi oo lagu tuhmayo inay fududeeyeen qaraxyadii mataanaha ahaa ee hotelka ka dhacay.
Guddiyadan ayaa laga sugaa inay baaritaan ku sameeyeen arrintan kana keenaan war cad oo ku saabsan sidii wax u dhaceen iyo sidii loo heli lahaa kuwii ka danbeeyay sharcigana loo horkeeni lahaa.
Lama oga sida guddigan waxqabadkiisa ugu guuleysan doono, iyadoo guddiyo hore loogu saaray arrimo sidan oo kale ah aysan waxba ka soo bixin. Waxa tusaale kuugu filan qaraxii Hotelka SYL oo guddi baaritaan oo loo saaray aanu weli wax jawaab ah la wadaagin umadda inkastoo la sheegay in dad loo qabtay.
Waxaa caadiyan dowladda Federaalka lagu dhaliilaa in xitaa haddii ay caddaato dadka ka danbeeyay falalka Alshabaab oo raadku salka la galo saraakiil iyo madax dowladeed kiiska halkaasi ku soo af-jarmo iyadoo aanay jirin awood lagu soo qabto ama looga abaal mariyo falkiisii.
Goobjooge.com
Muqdisho