Tuesday, June 24, 2025

Qaraxyo & is-rasaaseyn ka socota Hotelkii la weeraray ee Muqdisho & Meydad laga soo saaray

Is-rasaaseyn iyo qaraxyo ayaa saqdii dhexe ee caawa kadib weli ka socota hotelka Naasa-hablood 2 oo ay ka dagaalamayaan dabley ka tirsan Alshabaab.

Ciidamada gaarka ah ee NISA ayaa gudaha hotelka kula dagaalamay dableyda oo u muuqata mid u soo diyaargarowday weerarkan, waxaana saacad kasta dhacaya qaraxyo iyo rasaas culus.

Muddo ka badan 8 saacadood ayuu socdaa howlgalka oo ay qarax weyn ka dib gudaha u galeen dabley ka tirsan Alshabaab, waxaana hotelka qeyb ka mida laga soo helay meydadka Wasiirkii Arrimaha gudaha K/Galbeed Madoobe Nuunow.

Meydadka la helay waxaa ka mida hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay oo ay madaxa ka toogteen maleeshiyada Alshabaab, waxayna ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee laga soo saaray qeybta ay ciidamada galeen ee hotelka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya sheekh caan ah laga soo badbaadiyay hotelka goor dhoweyd.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON