Monday, June 23, 2025

Qaraxyo ruxay Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadan xilli ay ka degayeen Wasiirada xukuumadda Yeman (Sawirro)

Qaraxyo waaweyn ayaa ruxay magaalada Cadan ee Koonfurta Yeman oo fadhi u ah Dowladda dibad joogga ah ee dalkaasi oo madaxweynaheeda degan yahay dalka Sacuudiga

Qaraxyada ayaa ka dhacay Garoonka, isla markii ay diyaarad sida Wasiiro ka tirsan xukuumadda Yeman ay ka degtay garoonka, xilli ay diyaaradda ka degayaan wafdiga Wasiirada cusub, waxaana qaraxa ugu weyn ka dhacay goobta dadka dhoofaya ka baxaan, iyadoo garoonka dhan ay qabsatay uuro iyo holac.

Wasiirada Yeman ayaa la sheegay inaan wax qasaare ah kasoo gaarin qaraxyada ka dhacay Garoonka diyaaradaha magaalada Cadan oo warar kala duwan kasoo baxayaan waxyaabaha loo adeegsaday, sida baabuur qaraxyo siday ama madaafiic Hoobiyeyaal ah.

Ad

Qasaaraha Qaraxyada ayaa wararkii ugu horeeyay sheegayaan inay geysteen inay ku dhinteen ina badan 20 qof, ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale, waxaana gudaha iyo bannaanka garoonka lagu arkay dad daadsan oo dhaawac ah iyo kuwa ku dhintay qaraxa; mana jirto cid sheegtay ilaa iminka.

انفجار في مطار عدن
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON