Qareenkii mudada dheer ee madaxweyaha Mareykanka Michael Cohen ayaa la sheegay inuu heshiis la galay hay’adaha sharciga Mareykanka, isagoo qiraya dembiyadii uu galay, isla markaana ka caawinaya baaritaanka lagu hayo doorashadii Mareykanka ee Trump ku soo baxay.
Heshiiska ayaa waxaa ka mida in xabsi lagu xukumo, isaguna uu runta ka sheego wixii uu ogaa kiiska la baarayo ee Trump, waxaana dembiyada uu qiranayo ka mida canshuur lala baxsaday dhaqaalihii ololaha Trump, laaluush la siixay hablo jirkooda ka ganacsada oo sheegay inay Trump la seexdeen si ay u aamusaan, xisaabaad been abuur ah iyo dembiyo kale.
Saxaafadda Mareykanka ayaa ku warrameysa in Qareenkii hore ee Donald Trrump ninka lagu magacaabo Michael Cohen uu isu dhiibay hay’adda dembi baarista Mareykanka ee FBI-da kadib baaritaan muddo dheer ku socday oo ku saabsan wax is daba marin iyo canshuur la baxsasho.
Arrinta halis ku keeneysa madaxweyne Trump ayaa ah in Cohen uu maxkamadda u sheegay in denbiyada loo heysto uu wax ogaa, isla markaana ay isla maamuleen Donald Trump.
Waxaa la filaya in maxkmad ku taalla New York la soo taago qareenkan oo culeys hor leh ku keenaya madaxweyne Trump, wuxuuna ka mid yahay xubnihii muhiimka ahaa ee ololaha doorashada Trump oo dacwado ku socdaan.
Heshiiska uu la galayo hay’adaha sharciga ayaa michihiisu yahay inuu ka badbaado xabsi muddo dheer, isagoo codsan doona inuu dembiile yahay oo loo naxariisto, taasoo aan macnaheedu yahay inuu dacwad ku furayo Trump.