Friday, July 4, 2025

Qeylo-dhaan hareysay Baraha Bulshada oo keentay in loo gurmado Weriye ku dayacnaa Isbitaal Martiini

Kadib markii masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo Weriyeyaal badan ay baraha bulshada ku faafiyeen qeylo-dhaan ku saabsan Weriye ka tirsan Warbaahinta Dowladda ku dayacnaa Isbitaalka Martiini ayaa la sheegay inuu helay waxqabad.

sawir muujinaya weriya Maxamed Xasan Cali (National) oo Ogsijiin u xiran yahay xaalkiisuna degan yahay ayaa mar kale qabsaday baraha bulshada, iyadoo loo mahad celinayo Wasaaradda Caafimaadka oo hore loogu cambaareeyay inay dayacday weriyaha oo xaalad adag ka heysatay neefsashada.

Arrintan ayaa dad badan is-weydiiyeen haddii ay qabsato muwaadin caadi ah oo aan lahayn mas’uuliyiin iyi weriyeyaal u dooda sida xaalkiisu noqonayo, iyadoo shaki weyn la gelinayo adeegga yaalla Isbitaalka Martiini oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lagu daweynayo dadka uu soo rito cudurka Coronavirus.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON