Tuesday, June 24, 2025

Qisadii Marxuum Jen. C/kariin Dhegabadan oo geeriyooday isagoo dagaalamaya

dhegabadan

Saaka oo ku beegneyd 1-da November 2015 waxaa weerar culus kooxda Alshabaab ay ku qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho oo kamida hoteelada waaweyn oo ay degaan mas’uuliyiinta iyo shaqsiyaadka muhiimka ah.

Waxaa dhacay in dadkii hotelka ku jiray xilligaasi uu ka mid noqday Gen. C/kariin Dhega-badan oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo mid ka mida saraakiishii ugu caansaneyd ee hogaamiyay dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab oo dhowr jeer isku dayday inay khaarijiso.

Marxuum Jeneraal Dhega-badan wuxuu hore ugu caan baxay inuu af iyo adinba kula dagaalamo Alshabaab, taasoo uu kasbaday naceynka kooxdaasi iyo jaceylka shacabka intiisa kale. Waxayna tiisii timid maanta markii ay hotelkii uu deganaa ugu galeen.

Waxaa xusid mudan in Jeneraalkan aanu dhiman isagoo hurda, balse isla markii weerarku dhacay waxaa la xaqiijiyay inuu qorigiisa qaatay oo uu la dagaalamay dableydii Alshabaab oo Hotelka gudaha u gashay, wuxuuna shahiiday isagoo dagaal ku jira oo saacadii ugu danbeysay cimrigiisa ku dhameystay dagaalka kooxda Alshabaab ee uu hore ugu magac daray: “JID IYO JAHO DIID”.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON