Cali Cabdalle Faarax oo dhaawac culus ka soo gaaray Dab qabsaday Guri Jiingad ahaa oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kaasoo qoyskiisa oo dhan ku waayey Dabkaasi ayaa baaq u diray shirkadda korontada BECO.
Ninkan oo hadda yaalla Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho wuxuu dhaawac halis ah kasoo gaaray ka dhashay korontada Shirkadda BECOo, kadib markii ay maaso ka kacday Baalle ay ku xirneyd oo dul marayey Gurigiisa oo aan isagu Koronto ku jirin, waxaana dabkaasi ku dhintay 6 Carruur ah oo uu dhalay iyo xaaskiisa.
Reerka oo ka koobnaa 8 qof; 5 carruur ah oo uu dhalay, gabar uu Abti u ahaa iyo Xaaskiisa waxa ka soo haray isaga oo keli ah, hadda waxa uu ku jiraa isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho isagoo sheegay xaaladiisa ay liidato, wuxuuna ka hadlay in shirkadda Korontada ee dhibkaasi kasoo gaaray aanay xitaa la soo xiriirin.
HOOS KA DAAWO WARBIXIN RADIO MUSTAQBAL EE MAGAALADA MUQDISHO