Friday, June 27, 2025

Q/Midoobay oo 11 Milyan ku bixineysa abaaraha Waqooyiga Soomaaliya

Xarunta qaramada midoobay u qaabilsan ka jawaabidda xaaladaha deg dega ah ee loo soo gaabiyo (CERF) ayaa sii deysay war sheegaya in 11 million oo dollar ka Mareykanka ah ay ku bixin doonto kaalmada bani’aadanimo dad gaaraya  224,000 oo ay saameysay abaarta ka jirta gobolada waqooyiga Soomaaliya.

Xafiiska isku duba ridka gargaarka insaaniga ay ee qaramada midoobay ee (OCHA) ayaa maalintii Arbacada sheegay in kaalmadan loogu talagalay in lagu badbaadiyo nolashada dadka ay abaarta saameysay oo ku nool deegaanada Puntland iyo Soomaaliland, ayagoo la shaqeynaya ururada ay bahwadaagta yihiin.

” Kaalmadan ayaa waxaa kamid ah cuno, raashiinka kale ee nafaqada, tallaalka xoolaha, adeeg caafimaad,biyaha iyo hagaajinta nadaafadda ,” sida OCHA laga soo xigtay.

Qiimeyntii ugu dambeysay ee qaramada midoobay iyo hey’adaha kale ee gargaarka ka shaqeeya ay sameeyeen ayaa muujisay in xaaladda abaarta ay tahay  mid heerkeedu aad u sareeyo isla markaana dadka ay soo foodsaartay cuni yari nafaqa daro dadka ku nool deegaano ka tirsan  Soomaaliya kuwaas oo lagu qiyaasay  4.7 million oo ruux taas oo u dhiganta 40% tirada dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo.

Ku dhowaad 950,000 oo dadkan kamid ah waxaa heysata cuni yari aad u daran ayagoo maalin kasta la hardamaya sidii ay u heli lahaayeen waxa ay maalintii quutaan .Halka dadka barakacyaasha ay sadex dalool labo dalool ay u baahan ama  68% ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan gaajo darteed.

Sida ay OCHA, sheegtay in kaalmadan 6.5 milyan kamid ah loo qoodeeyay dadka ay abaarta dhibaateysay gaar ahaan deegaanada dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Waxaana dadka abaarta halakeysay sidoo kale laga taageeri doonaa sidii ay u heli lahaayeen hoy iyo in baahiyahooda mudnaanta koowaad la siiyo.

Xafiiska qaramada midoobay gargaarka insaaniga u qaabilsan ee OCHA, ayaa ugu dambeytii sheegay in dhibaatada abaarta ay ugu sii dartay markii ay hoos u dhaceen ilihii biyaha la cabo laga heli jirey taas oo soo socotay bilihii u dambeeyay.

Wadarta guud ee lacagta la heley ayaa gaaraysa 157 million oo dollarka Amerikaanka tan iyo bilowgii sanadkan taas oo loo qorsheeyay in lagu fuliyo kaalmada bani’aadminimo ee Soomaaliya.

Xigasho: Xinhua

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON