Kulan maanta ka dhacay xarunta Xalane ee Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay doorashada guddoonka Baarlamaanka cusub iyo Guddi ka shaqeeya kala wareegga awoodda.
Kulanka waxaa ka qeyb galay wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating, Guddoomiyaha Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban Cumar Maxamed Cabdulle, Guddoomiya guddi farsamo oo qaabilsan la kala wareegista awoodda Xaliimo yarey iyo xubno kale oo ka tirsan beesha caalamka.
Q/Midoobay iyo beesha caalamka ayaa doonaya in si degdeg loo soo xareeyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka la doortay, isla markaana la bilaabo doorashada guddoonka cusub ee Baarlamaanka si loo guda galo dhismaha golayaasha dowladda cusub.
Xildhibaanada la doortay ayaa ku dhow 3/2 oo looga baahan yahay in lagu doorto madaxweyne, waxaana socda olole lagu doonayo in bisha Disembar ay ku dhacaan doorashooyinka guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha si aanay u dhicin in sanadka dambe ee 2017 ay u jiitanto doorashada.
Goobjooge.com