Shirkii hordhaca ahaa ee Madasha Wadatashiga Qaran ee maanta ka dhacay xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa la isku afgartay qodobadda looga hadlayo shirka weyn ee Madasha Qaran oo beri ka furmaya xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Shirarkii hordhaca ahaa ee xalay iyo maanta waxay madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada isku raaceen ajendayaasha shirka Madasha Qaran oo kala ah:
- In laysa meeldhigo qaabkii dalka ay uga dhici lahayd doorasho wanaagsan oo ummadda Soomaaliyeed u horseedda in la helo dawladnimo dhab ah oo soo celisa meeqaamkii dalka Soomaaliya uu ku lahaayd.
- In si qoto dheer looga wada hadlo dhammaystirka Dastuurka KMG ah ee dalka.
- In si dhab ah looga wadahadlo dhismaha ciidamada Qaran ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta maamulada iyo dowladda federaalka.
Wakiilada Beesha caalamka ayaa lagu wadaa inay beri ka qeyb galaan shirka ka dhacay xarunta Xalane ee ku taala gudaha Garoonka Muqdisho.
Ad
Goobjooge.com
Warar Xul ah