Thursday, June 26, 2025

Qodobada Heshiis Doolow ku dhex maray Maamulka Jubba & Siyaasiyiinta Gedo (Faahfaahin)

Wararka laga helayo degmada Doolow ee gobolka Gedo oo wadahadal uga socday maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta Gobolka Gedo ee maamulkaasi ka horjeeday ayaa sheegaya in lagu heshiiyay afar qodob oo muhiim ah oo saldhig u noqon doona is afgarad guud oo dhex mara labada dhinac.

Heshiis lagu gaaray Doolow
Heshiis lagu gaaray Doolow

Qodobadan ayaa wararku sheegayaan inay yihiin kuwii ay soo jeediyeen siyaasiyiinta gobolka Gedo ee khilaafka kala dhaxeeyay maamulka Jubba, ayna ku waafaqeen dhinaca Axmed Madoobe kadib 48 saacadood oo wadahadal ahaa.

Qodobadan oo shardi u ah in Gobolka Gedo la midoobay maamulka Jubba ayaa waxay kala yihiin:

  1. In Xildhibaanada baarlamaanka Jubba  dib loogu noqdo si loo waafijiyo sharciga ayna u noqdaan kuwo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ee saxda ah.
  2. In degmooyinka sharciga ah ee jiray ka hor 1991 ay noqdaan kuwa kaliya ee la aqoonsan yahay.
  3. In Dastuurka Jubba ee dhowaan la ansixiyay dib loogu noqdo si wada jir ahna loo saxo.
  4. In la qabto dib u heshiin guud oo ay dhamaan Beelaha Jubbooyinka isugu yimaadaan si loo saxo qaladaadkii hore u dhacay loona gaaro midnimo guud.
  5. In Doorashada dib loo dhigo si loo helo waqti Ku filan tartamayaasha

Qodobadan oo intooda badan ah kuwii uu Baarlamaanka Soomaaliya ayaan la ogeyn sida ay u dhaqan geli doonaan iyadoo heshiiskan uu sharci darro ka dhigayo baarlamaanka hadda dhisan ee qabanqaabo ugu jira doorashada.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON