Qoraal kasoo baxey Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo ku socday Q/Midoobay iyo AMISOM qeybteeda caafimaadka ayaa lagu shaaciyey magacyada afar qof oo loo karaantiilay Coronavirus iyo qof hore looga helay cudurka oo markii danbe laga waayey.
Qoraalka oo u muuqday inaan saxaafadda loogu talogelin oo uu ku saxiixnaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka C/llaahi Xaashi Cali, ayaa lagu sheegay in Axmed Yuusuf Yaasiin oo hore cudurka looga helay markii laba jeer lagu celiyey baaritaanno kale laga waayey cudurkii, iyadoo aan la caddeyn inuu ka bogsooday cudurka hore loogu sheegay in baaritaankii hore uu khaldanaa.
Dhinaca kale saddex qof oo hore loo karaantiilay oo kala ahaa: Cabdi Casiis C/Risaaq Cusmaan, Ducaale Jaamac Maxamuud iyo Ibraahim Maxamed Yaasiin ayaa laba baaris oo kala duwan lagu sameeyay iyadoo laga waayey cudurka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa qoraalkeeda ku caddeysay inay soo jeedineyso in la sii daayo afarta qof oo dhammeystay mudadii karaantiilka, isla markaana aan wax dhibaato ah ku ahayn bulshada mar haddii laga waayey cudurka.
