Wednesday, July 2, 2025

Qoraa caan ah oo lagu bedelay jagadii ay banneysay Marwo Caasho Geelle Diiriye

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay talo soo jeedin ka timid Wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamud Sheekh oo ku aadaneyd buuxinta jagadii ay iska casishay guddoomiyihii Guddiga Qaran ee dib u eegista Dastuurka Caasho Geelle Diiriye.

Afrax-Asha

Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa lagu ogolaaday in  Maxamed Daahir Afrax oo ah aqoonyahan  iyo qoraa Soomaaliyeed oo caan ah uu buuxiyo booskii ay banneysay  Marwo Caasho Geelle.

Maxamed Daahir Afrax ayaa ah qoraa caan ah oo madax ka ahaa Qorayaasha Soomaalida, wuxuuna dhowaan olole ugu jiray Akademiya Afka Soomaaliga qaabilsan oo uu hogaamiye ka ahaa , waxaana loo arkaa shaqsi buuxin kara booskaasi, inkastoo guddiga howshiisa uu dib u dhac xoog leh ka muuqdo.

Maamul Goboleedka Puntland oo dooneysay inay iyadu soo magacaabato xubintan ayaa la filayaa inay si weyn uga hor timaado tallaabadani iyadoo ku doodeysa inay dowladda Federaalka waajib ku tahay la-tashi ay la sameyso Puntland.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON