Sida aya baahisay wakaalada wararka AFP oo aragtay qoraal qarsoodi ah oo AMISOM la wadaagtay diblomaasiyiin iyo saraakiil reer Galbeed ah ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya AMISOM ayaa qasaare laxaad leh ka soo gaaray weerarkii cuslaa ee shalay ay Alshabaab ku qaadeen saldhigoodii degmada Janaale ee Gobolka Sh/hoose.
Waxaa la rumeysan yahay in 50 askari lagu dilay oo AMISOM ka tirsan lagu dilay weerarkaasi iyadoo 50 kale la la’ yahay, sida laga soo xigtay saraakiil milateri oo reer galbeed lana socda xaalada. Wuxuu weerarkii Janaale sidaas ku noqonayaa mid ka mida kuwii ugu dhiigga badnaa ee AMISOM looga laayo ciidamada, waxaana xaruntaasi ku sugnaa ciidamo ka socday dalka Uganda.
Qasaaraha gaaray AMISOM waxaa loo diray sarakiil iyo diblomaasiyiin reer galbeed ah, iyadoo qoraalku sheegay in ilaa 10 askari oo AMISOM ah lagu waayay weerarkii Jannaale. AMISOM ayaan weli rasmi ah u shaacin qasaaraha ka soo gaaray weerarkaasi waxayse sheegay inay xaaladda qiimeyneyso.
Qoraalka qarsoodiga ay ee AMISOM u dirtay diblomaasiyiinta iyo saraakiisha milateri ee reer galbeedka ayaa looga hadlay xaaladda adag ee AMISOM ka heysata difaaca degaanada ay kala wareegtay Alshabaab, iyadoo taageero dhinaca cirka ah aanay markaasi diyaar ahayn. Alshabaab ayaa la sheegay inay weerarka ku bilaabeen burburinta laba buundo oo ay qarxiyeen iyo qarax is miidaamin ah, waxaana ay qaateen hub iyo saanad ay gaadiid ku rarteen.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]