Waxaa saaka mar kale socda kulan la isku dayayo inuu Baarlamaanku ku yeesho xaruntiisa magaalada Muqdisho, kadib markii uu sidaas amar ku bixiyay guddoomiyaha Baarlamaanka, laakiin waxay xildhibaanadu ugu tageen saaka hoolka arrin yaab leh.
Waxaa lagu arkay qoraalkii mooshinkii oo la dhigay, qaar kalena ay wataan xildhibaannada taageersan mooshinka oo iyaga gacantooda ku qaatay amarka ah inay qeybiyaan mooshinka. Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ayaa tallaabo kale qaaday waxayna jarjareen oo jeexjeexeen waraaqihii mooshinka ee hoolka lagu arkay.
Mar kale shaqaalaha baarlamaanka ayaa isku dayay inay qeybiyaan mooshinka waxaana gacanta ual tegay oo jeexjeexay xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinka, xarunta baarlamaanka ayaa noqotay meel waraaqo miiran ah.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xisbiga madaxweynaha dadka ugu firfircoon ayaa shirka la yimid kartoono ay ka buuxaan qoraalada mooshinka, wuxuuna ku qeybiyay xarunta Baarlamaanka, iyadoo xildhibaanadii ka horjeeday ayna dhinacooda ka bilaabeen inay jeexjeexaan qoraalka mooshinka. Waxaa kaloo socda soo bandhigidda qoraalo ka dhan ah mooshinka iyo madaxweynaha oo ay wataan xildhibaannada ka horjeeda mooshinka.
Arrimahan oo dhami waxay shirka ka dhacayaan iyadoo aanu furmin, lana xaadirin xildhibaannada, waxayna muujineysaa sida ay faraha uga baxeen nidaamkii iyo hogaankii shirka Baarlamaanka.
Dhinaca kale waxaa saaka loo diiday inay gudaha u galaan Xarunta baarlamaanka Saxafiyiinta, waxaana sidaasi amar ku bixiyay guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Osmaan Jawaari
Wixii ka soo kordha kala soco Goobjooge.com
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]